Shirka Waaxaha iyo Shaqaalaha Xarunta ee Wasaaradda Duulista Hawada
Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda, Mudane Yuusuf Kayse Cabdilahi, iyo aniga oo ah Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, ayaa maanta guddoominnay shirka Waaxaha iyo Shaqaalaha Xarunta.
Shirkan waxa diiradda lagu saaray xoojinta wada shaqaynta, kor u qaadista nidaamka shaqo, iyo dardargelinta hufnaanta adeegyada ay Wasaaraddu u hayso bulshada. Waxa lagaga hadlay qodobadan:
- Wacyigelin guud oo la xidhiidha masuuliyadda shaqo, ilaalinta sumcadda Wasaaradda, iyo xoojinta wadajirka shaqaalaha.
- Hirgelinta nidaam casri ah oo lagu soo kordhiyay habka xaadiriska iyo isla xisaabtankiisa, si loo hubiyo joogtaynta shaqada, waqtiga shaqaalaha, iyo kor u qaadista waxqabadka Wasaaradda.
- Anshaxa shaqaalaha xarunta, iyadoo lagu adkeeyay ilaalinta hab-dhaqanka wanaagsan, ixtiraamka goobta shaqada, iyo tayaynta adeeg bixinta.
Waxa aanu shaqaalaha ku boorinnay in ay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta adeegyada Wasaaradda, isla markaana ay muujiyaan karti, daacadnimo, iyo masuuliyad shaqo. Dhammaadkii shirka waxa aanu uga mahadcelinnay shaqaalaha dadaalka ay ku bixiyaan shaqada Wasaaradda.
English summary
The Deputy Minister and I chaired a meeting of the Ministry's departments and headquarters staff. We discussed professional responsibility, the introduction of a modern attendance and accountability system, and staff conduct, and encouraged everyone to work together to improve the Ministry's services.
Source: Abdirashid Abdi Jama on Facebook