Furitaanka Tababarka ARFF ee Shaqaalaha Madaarka Cigaal

Waxa aan maanta si rasmi ah u furay tababar muhiim ah oo ku saabsan Badbaadada iyo Amniga (Safety and Security), kaas oo loo qabtay shaqaalaha Qaybta Badbaadada iyo Amniga ee Madaarka Cigaal, gaar ahaan Waaxda Gurmadka Degdegga ah (ARFF – Aircraft Rescue and Fire Fighting).

Tababarkan oo diiradda lagu saarayo kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha ka shaqeeya dab-damiska, wuxuu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda JSL ay ku doonayso tayeynta adeegyada badbaadada ee madaarrada dalka. Ujeeddadeennu waa inaan la jaanqaadno heerarka caalamiga ah ee amniga duulista hawada.

Waxaan si gaar ah u dhiirrigeliyay hawl-wadeennada inay si buuxda uga faa’iidaystaan tababarkan, maadaama doorkooda ay ku leeyihiin sugidda badbaadada duulimaadyadu uu yahay mid tiir-dhexaad u ah shaqada Madaarka Cigaal.

#SafetyAndSecurity

#ARFF

#CivilAviation

#SomalilandAirports

#AbdirashidAbdiJama

#MoCAAD

Similar Posts