Kormeer Shaqo oo aan ku Tagay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal

Kormeer Shaqo oo aan ku Tagay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal

Waxa aan kormeer shaqo ku tagay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal ee magaalada Hargeysa, anigoo si dhow u eegay habsami-u-socodka hawlaha maalinlaha ah iyo tayada adeegyada kala duwan ee uu madaarku u hayo shacabka iyo rakaabka isticmaala.

Kormeerkan waxa uu qayb ka yahay dadaallada joogtada ah ee lagu xoojinayo hufnaanta shaqada, kor loogu qaadayo tayada adeegyada, isla markaana lagu hubinayo in madaarku si wanaagsan ugu adeego bulshada iyo dhammaan dadka isticmaala.

English summary

I made a working visit to Egal International Airport in Hargeisa to review daily operations and the quality of services provided to passengers and the public, as part of our ongoing work to improve efficiency and service standards.

Source: Abdirashid Abdi Jama on Facebook

More News