Abdirashid Abdi Jama waxa uu ku dhashay magaalada Boorama maalin isniin ah 27-December 1993. Waxa uu wax ku bartay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.
Waxa uu shahaada koowaad ee dhaqaalaha iyo siyaasada ka diyaariyay jaamacada Camuud sanadkii 2016, waxa uu shahaadada Dibloomada isla sanadkaa 2016 ka diyaariyay jaamacada Bader Kuliyada Dhaqaalaha Islaamka iyo Baananka.
Waxa uu shahaadada labaad ( Master of Leadership) ka diyaariyay hogaaminta oo uu ka qaatay jaamacada Jigjiga sanadkii 2021, waxa uu hada wadaa shahaadooyinka Master of International relations oo uu ka diyaarinayo Alpha University, iyo Master of English Literature oo uu ka diyaarinayo Jaamacada Islamic University of Minnesota.
Waxa uu kale oo uu aqoon dheeri ah u leeyahay Computerka oo uu shahaadadii u horaysay ka qaatay sanadkii 2005 dugsi lagu baran jiray Computerka. Waxa kale oo uu haystaa shahaadooyin dheeri ah sida:-
Abdirashid oo ah hogaamiye mustaqbal ifaya leh ayaa hogaaminta ka soo bilaabay markii uu ku jiray dugsigiisa hoose, halkaas oo uu noqday hormuudka arday ee dugsigiisii hoose/dhexe iyo dugsigiisii sareba. Waxa kale oo uu noqday hormuudka ardayda baranaysay kuliyada dhaqaalaha iyo siyaasada ee jaamacada Camuud, halkaas oo markii dambana uu noqday gudoomiye kuxigeenka ururka ardayda jaamacada Camuud.
2019 waxa uu noqday shakhsigii ugu yaraa ee ka qaybgala shirka golaha dhexe oo ka dhacay magaalada Burco, halkaas oo loogu soo cumaamaday in uu noqdo gudoomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga WADDANI ee gobolka Awdal.
Mudo kooban oo uu halkaas joogay waxa loo dalacsiiyay gudoomiyaha dhalinyarada heer qaran ee garabka dhalinyarada heer qaran ee xisbiga WADDANI oo ka mid ah boosaska ugu muhiimsan hadaanu ahaynba ka ugu muhiimsan ee xisbiga ka dhex jira. Mudada uu joogo halkaas waxa uu wax la taaban karo ka qabtay difaaca xuquuqda dhalinyarada dalka isaga oo hogaankana u qabtay duufaanta dhalinyarada mucaaradka ah ee ka jirta dalka.
Waxa uu 2021 noqday masuulka tababarka muraaqibiinta doorashadii isku sidkanayd ka shaqaynaysay, waxa kale oo uu hogaaminayay guushii xisbiga waddani ka keenay doorashadii isku sidkanayd ee dalka gaar ahaan gobolka Awdal oo uu si gaar ah ugu suntanaa.
Abdirashid oo ku jira hogaaminta sare ee xisbiga WADDANI waxa uu leeyahay mustaqbal ka dhex ifaya dhalinyarada Soomaalida iyo geeska Afrikaba.