Kulan aan la Qaatay Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya, Danjire Sharmaake Muxumed
Waxa aan maanta xafiiskayga ku qaabilay Safiirka Somaliland u fadhiya dalka Itoobiya, Danjire Sharmaake Axmed Muxumed. Kulanka waxa sidoo kale nagala qaybgalay Agaasimaha Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyadda JSL, Mudane Aadan Cabdalla. Waxa aan uga mahadcelinayaa Danjiraha booqashadiisa.
Bishii Oktoobar ayaa aan dalka si diirran ugu soo dhaweeyay Danjirahan cusub ee Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiisan doona Itoobiya, waxa aanan u rajaynayaa guul iyo in uu si hufan uga soo baxo waajibaadka diblomaasiyadeed ee loo igmaday.
English summary
I received Somaliland's new Ambassador to Ethiopia, Ambassador Sharmaake Ahmed Muhumed, at my office, together with the Director of the Ministry of Communications and Technology, Mr Aadan Cabdalla. I had welcomed the Ambassador to the country in October and wish him success in his diplomatic mission.
Source: Abdirashid Abdi Jama on Facebook