Wasiir Ku-xigeenka Wasaarada Duulista Hawada oo Si Rasmi ah u Furay Tababar ka Amniga Duulista (AVSEC) ee Madaarka Cigaal

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda JSL, Mudane Yuusuf Kayse Cabdilaahi, oo aan ku wehelinayay Kulanka ayaa si rasmi ah u furay tababar muhiim ah oo loogu talagalay shaqaalaha Madaarka Cigaal, gaar ahaan qaybta Amniga Duulista Hawada (AVSEC). Tababarkan oo ah Aviation Security Refreshment Courses (ASRC), ayaa waxaa loogu talo galay in kor loogu qaado heerka aqooneed, xirfadeed iyo feejignaanta shaqaalaha, si ay uga jawaabaan baahiyaha amni ee rakaabka iyo ilaalinta hantida madaarka.

Similar Posts