Shaqaalaha Madaarka Boorama oo Ka Faa’iidaystay Tababar Ku Saabsan Maamulka, Amniga, iyo Shuruucda Duulista Hawada
Waxa aan Magaalada Boorama ka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda JSL ahaan Tababarka Shaqaalaha qaybaha kala duwan ee Madaarka iyo Wasaaradda ee ka howlgala Degmada Boorama. Tababarkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaraddu ayaa ahaa kuwo muhiim u ah Adeegyada Duulimaadyada iyo Madaaradda, waxaanay ka koobnaayeen:
1. Amniga iyo Bad-qabka (Safety and Security).
2. Shuruucda Duulimaadyada (Aviation Regulations).
3. Maamulka Shaqada Madaaradda (Airport Operations Management).
4. Maaraynta Xaalladaha degdega ah (Emergency Response, Planning and Management).
5. Akhlaqiyaadka shaqada iyo shuruucda shaqaalaha (Work Ethics and Employee Regulations).
6. Hab-raacyada Duulimaadyada ee ICAO iyo IATA (ICAO Aviation Protocols and IATA Guidelines).
Tababarkan ayaa qayb ka ah Qorshaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda ee ku aadan kor u qaadista xirfada iyo awooda shaqaalaha Madaaradda, si loo xaqiijiyo in Madaarada Somaliland noqdaan kuwo waafaqsan Miqiyaasyada Caalamiga ah ee Hay’adda Duulimaadyada (ICAO Aviation Standards).
Tababarkan oo soo socday ayaa lagu soo Qabtay Magaalooyinka Ceerigaabo, Buco iyo Berbera.











