Kulanka Qiimaynta Waxqabadka Lixda Bilood (Janaayo ilaa Juun 2026)
Waxa qabsoomay kulanka qiimaynta waxqabadka lixda bilood ee Janaayo ilaa Juun 2026, kaas oo ahaa kulanka 63aad ee Waaxyaha Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradda JSL. Waxa ka soo qayb galay hoggaanka sare ee Wasaaradda iyo masuuliyiinta kala duwan ee Wasaaradda.
Agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ayaa soo bandhigay wixii u qabsoomay muddadii lixda bilood ahayd, caqabadihii jiray, casharradii laga bartay, iyo qorshayaasha mudnaanta leh ee lixda bilood ee soo socda.
Wasiirka, Wasiir Ku-xigeenka, iyo aniga oo ah Agaasimaha Guud waxa aanu bogaadinnay dedaalka iyo hawlkarnimada ay muujiyeen waaxyaha Wasaaraddu, waxa aanuna adkaynnay muhiimadda ay leedahay isla-xisaabtanka, xoojinta wada-shaqaynta, iyo kor u qaadista tayada adeegyada loo fidiyo bulshada.
Shirkan waxa uu qayb ka yahay dadaallada Wasaaraddu ku xaqiijinayso hufnaanta, la socodka waxqabadka, iyo dardargelinta qorshayaasha horumarineed.
English summary
The Ministry held its January to June 2026 performance review at its 63rd departmental meeting. Directors presented results, challenges, lessons learned and priorities for the next six months. The Minister, Deputy Minister and I commended the departments and stressed accountability, cooperation and better public services.
Source: Abdirashid Abdi Jama on Facebook