Xafladda Xilwareejinta iyo Soo dhawaynta Agaasimaha Cusub ee Wasaarada Duulista Hawada, iyo Horumarinta Madaarada Somaliland

Bismilaahi Raxmani RaxiimMudanayaal; iyo Marwooyin waad salaaman tihiin dhamaantiin.Waxa mahad oo dhan keligii iska leh; ilaaha suurta geliya wax walba oo suurta gala, Madashana inagu simay inaga oo caafimaad qabna in aynu iskugu nimaadno. waxa aan marka labaad mahad balaadhan u jeedinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo 14kii bisha ii gartay in aan noqdo Agaasimhiisa Guud ee Wasaarada Duulista iyo Hawada oo runtii ah Wasaarad muraayad u ah qaranka. Waxa iyaguna mahad balaadhan iska leh Wasiirka, wasiir kuxigeenka iyo shaqaale weynaha Wasaarada Duulista Hawada oo si meeqaam sare leh xafladan u soo qaban qaabiyay, si muwaadinimo leh oo qalbi xaadhan lehna iigu soo dhaweeyay wasaarada.Waxa aanan balan qaadayaa in aan si hufan oo dardar leh ugala shaqayn doono shaqada ay qarankooda u hayeen. Wasaarada Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaaradu waa halbowlaha isku xidha Somaliland iyo Dunida inteeda kale; waxa aan ku dedaali doonaa in aan kor u qaado tayada adeegayada aynu caalamka ka iibino, waxa aan mudnaanta koobaad siin doonaa casriyaynta adeegyada madaarada dalka oo uu ugu wayn yahay Madaarka Caalamiga ah ee Cigaal, waxa kale oo aan tayayn doonaa ilaalinta tayada adeegyada Duulimaad ee ay Garoonadeenu bixiyaan. Waxa aan mudada aan xilka hayo xoojin doonaa wada shaqaynta iyo dhiirigelinta shaqaalaha waaxyaha kala duwan ee wasaaradu ka kooban tahay, taas oo ka turjumaysa himilada guud ee wasaarada.Waxa aan dedaal dheeri ah u geli doonaa in adeegyada duulista iyo madaarada la waafajiyo nidaamyada casriga ah ee aduunyada horumartay ku shaqayso, si loo daboolo baahiyada shacabka iyo kuwa caalamiga ahba.Waxa aan kal iyo lab ugu mahadnaqayaa shaqaalaha Wasaarada oo si naf hurleh usoo shaqeeyay; aniga oo mashiinkii Wasaarada ahna waxa aan idiin noqon doonaa Damal aad hadhsataan oo idinku dhiirigeliya in aad kaalin muuqata ka qaadataan kobaca Wasaarada iyo horrumarinta adeegyada wasaaradu bixiso; Balanqaadkayguna waa in aan la shaqeeyo qof walba oo shaqo fiican wada, kuna daba taagnaado isla xisaabtankeeda.Walaalayaal waxa aan idinku boorinayaa inaad ila shaqaysaan; igulana shaqaysaan daacadnimo, hagar la’aan iyo lexejeclinimo si aynu u tiigsano halka aynu jecelnahay in aynu ka wasaarad ahaan dalkeena gaadhsiino; waxaan sidoo kale ka codsanayaa saaxiibada caalamka iyo hay’adaha taageera Arimaha Duulista iyo Hawada in ay Wasaarada garab istaagaan, si aanu u laban laabno dedaalada aanu ku jirno.Guntii iyo gebo gebadii waxa aan aaminsanahay in wadajir iyo Isku duubni aynu ku gaadhi karno guulo waa weyn oo la majeerto; Xilka maanta la ii igmaday waa Masuuliyad culus, waana mid aan ku gudan doono si hufan, daacad ah, iyo karti kalsooni ku dhisan; Waxaan Alle ka baryayaa in uu igu caawiyo in aan noqdo u adeegaha Umadda iyo dalkayga Somaliland.Waad Mahadsan tihiin.Wa Bilaahi Towfiiq

Similar Posts