Shirka Todobaadlaha ah ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada

Waxaan maanta guddoomiyay shirka todobaadlaha ah ee Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda.

Shirkan waxa lagu falanqeeyay:

  1. Warbixinta Waxqabadka Lixdii Bilood ee Hore (Jan–Jun 2025) – waxaan dib u eegnay guulaha iyo caqabadaha hawlaha Wasaaradda iyo madaarada dalka.
  2. Qorsheyaasha iyo Himilooyinka Lixda Bilood ee Soo Socda (Jul–Dec 2025) – waxaan dejinay qorshayaal iyo istaraatijiyado lagu dardar-gelinayo horumarinta adeegyada iyo kaabeyaasha duulista hawada.

Shirkan oo qayb ka ah kulamadayada joogtada ah ee todobaadlaha ah, waxa uu muhiimad weyn u leeyahay kor u qaadista hufnaanta shaqo, horumarinta adeegyada duulista hawada, iyo xaqiijinta qorshayaasha horumarineed ee sanadkan 2025.

Waxaan ku adkaysanayaa in wada-shaqeynta, isla-xisaabtanka, iyo hufnaanta ay yihiin furaha lagu gaadhi karo himilooyinka qaranka ee ku aaddan horumarinta duulista hawada iyo madaarada dalka.

Sawirro