Safarkii Shaqo ee Aan Ku Tagay Gobalada Dalka Jamhuuriyada Somaliland

Waxa aan soo nabad gaadhnay magaalada Ceerigaabo oo uu nooga bilaabmi doono safarkii gobolada Somaliland ee hogaanka Garabka Dhalinyarada Heer Qaran ee xisbiga WADDANI. waxa aanu kulamo la yeelan doonaa haldoorka dhalinyarada ee Lixda gobol ee Jamhuuriyada Somaliland.

📍CEERIGAABO

9 August, 2024, Waxa caawa kulan soo dhawayn ah oo ay qaban qaabiyeen madaxda xisbiga ee gobolka Sanaag uu ka dhacay magaalada Ceerigaabo. Kulanka oo lagu soo dhawaynayay aniga iyo hogaanka garabka dhalinyarada heer qaran ee xisbiga WADDANI oo galabta soo gaadhay magaalada Ceerigaabo; waxa aan uga mahadcelinaynaa sida quruxda badan ee ay noogu qaabileen magaalada iyo kulanka ay soo agaasimeen. Waxa aanu magaalada Joogi doonaa labada caano maal oo aanu Bulshada si waafi ah xogta u kala qaadan doono.

10 August, 2024 Waxa nagu Qaabilay xafiiskiisa Duqa Degmada Ceerigaabo aniga iyo Waftiga aan Hogaaminayo ee Garabka Dhalinyarada Heer Qaran ee Xisbiga WADDANI.

Dallada Onkod ayaa Qado sharafeed noogu samaysay Deegaanka LAANQIYE oo ah duleedka magaalada Ceerigaabo.

Waxa aanu kulan Xafiiskooda Galabta kula Qaadanay Dallada Cabaydh oo ka mid ah Dalladaha Taageera Xisbiga WADDANI ee ka dhisan Degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Waxa aanu Xalay Kulan Xogwaraysi ah kala Qaadanay Dhalinyarada Xisbiga WADDANI taageersan ee ku dhaqan magaalada Ceerigaabo. Waxa aanu ku boorinay in ay u diyaar garoobaan Doorashada Madaxtooyada ee Wadku inaga xigo.

📍CEEL-AFWAYN

Waxa aan kulan kala warqaadasho ah la Qaadanay Labada Dalladood ee DALYA iyo NUGAAL oo ka dhisan Degmada Ceel-Afweyn. Maamulka xisbiga ayaa halkaas si weyn noogu soo dhaweeyay, Warbixina aanu ku kala Qaadanay.

📍BURCO

Halkani waa Burco iyo Hogaankii Garabka Dhalinyarada ee Xisbiga Waddani

Waxa aanu xalay kulan Qiimo Badan la yeelanay Haldoorka Dhalinyarada Magaalada Burco ee taageersan xisbiga WADDANI. Burco waxa ay ka mid tahay Rukunada adag ee xisbigu ku taagan yahay. Waxa ayna hormuud ka tahay isbadal-doonka jidka Madaxtooyada saaran. Balankeenu waa Labada Cod iyo WADDANI

Galabta waxa aanu kula shaahaynay dhalinyarada magaalada BURCO Maqaayada Caanka ah ee MIRE.

Xalay waxa aanu Tababar iyo Kulan wada socda la qaadanay Dhalinyarada magaalada Caynaba ee gobolka Saraar. Waxa aanu ka wada doodnay sida ugu wanaagsan ee Loogu diyaar garoobi karo Doorashada Madaxtooyada iyo ta ururada ee isku sidan ee fooda inagu haysa.

📍BERBERA

Waxa aan Kulan Qiimo badan oo lagu dardar gelinayay dhalinyarada iyo Haldoorka gobolka Saaxil ee xisbiga WADDANI taageersan kula qaadanay magaalada Berbera. Berbera waxa ay heegan ugu jirtaa in ay xisbiga Kulmiye ee daxalaystay meesha laga saaro. Laguna Badalo xisbiga yididiilada iyo rejada shacabka Hogaaminaya ee WADDANI iyo Musharixiintiisa.

Waxa aan kulan kula Qaadanay Xafiiskooda Dallada Midnimo ee ka howlgasha magaalada Burco ee gobolka Togdheer. Dhalinyaro dhiiran oo shaqo qurux badan qabtay baan ku aragnay xafiiskooda Waan ku bogaadinaynaa.

📍GABILEY

Waxa aan saaka Gebilay kulan wacyigelin iyo kala warqaadasho ah wada qaadanay dhalinyarada Magaalada Gebilay. Waxa aanu dhamaantayo diyaar u nahay doorashada Isku sidkan ee dhawaan dhici doonta insha Allah.

📍BOORAMA

Waxa aanu soo nabad gaadhay magaalada Boorama aniga oo hogaaminaya Hogaanka sare ee Garabka Dhalinyarada xisbiga WADDANI. waxa aanu la kulmi doonaa dhalinyarada haldoorka ah ee gobolka.

Waxa aanu xalay Boorama ku soo gabo gabaynay Safar Hogaanka Garabka Dhallinyarada Xisbiga WADDANI ku marayay gobolada Dalka. Waxa aanu soo marnay Degmooyinka Ceerigaabo, Ceel-Afweyn, Gar-adag, Caynaba, Burco, Sheekh, Berbera, Gebilay iyo Boorama oo aanu xalay shumaca isbadalka ka hurinay. Dhawaan waxa dalka ka qabsoomaya Doorashooyinka isku sidkan oo aanu xisbi ahaan rajaynayno inaanu Hormuud u noqono dalka iyo dadkaba. Xisbi ahaan shaqo weyn baa ina hortaala, si dardar leh ha looga howlgalo deegaamada dalka oo xisbiga KULMIYE cunfi iyo colaad dhex dhigay. Balankeenuna waa 13-Nov iyo isbadal khayr Qaba ✌️🧡

Safarkii Guusha Iyo 13 November 2024