Madaxweyne Cirro Oo Safarkiisii Ugu Horreeeyay Ku Tagay Qatar: Bilow Cusub Oo Somaliland U Gashay Iskaashi Caalami ah
Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa Safarkii ugu horreeyay ee madaxweyne Somaliland ah uu ku tago dalka Qatar u ambo baxay maanta. Safarkani wuxuu calaamad u yahay dadaal cusub oo lagu horumarinayo xidhiidhka caalamiga ah iyo raadinta aqoonsi buuxa. Somaliland waxay diyaar u tahay inay dunida la furto bog cusub oo iskaashi, horumar iyo diblomaasiyad leh.
Safarka Madaxweyne Ciro ee Qatar wuxuu leeyahay muhiimad diblomaasiyadeed, siyaasadeed, iyo mid astaan u ah marxalad cusub oo Somaliland u gashay dadaalka ay ugu jirto in ay iskaashi la yeelatay Caalamka.




