Madaxweyne Cirro Oo Kulan La Qaatay Agaasimayaasha Guud ee Dalka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha iyo Hay’adaha Dowladda. Kulankan ayaa diiradda lagu saaray qiimaynta shaqada iyo hawlaha ay soo qabteen Agaasimayaasha Guud mudadii ay xilka hayeen, si kor loogu qaado hufnaanta iyo waxqabadka hay’adaha dowliga ah.
Intii uu socday kulanka madaxweynaha, waxaan si gaar ah uga hadlay xaaladda abaareed ee ka taagan gobollada Awdal iyo Salal. Waxaan muujiyay walaaca xoogan ee laga qabo saamaynta abaarta, anigoo codsaday in si degdeg ah loogu gurmado dhibaatada soo gaadhay dadkii iyo duunyadiiba.
Waxa aan u mahadcelinayaa Xukuumada Oo si weyn ugu heelan in ay gurmad deg-deg ah u dirto gobolada Qaylodhaanta abaartu ka soo yeedhay, shirkii Golaha Wasiiradana lagaga hadlay isla maanta.



