Kelmadii aan ka jeediyay Shirka Golaha Dhexe 4aad ee xisbiga WADDANI

Marka labadaad waxa aan salaamayaa xubnaha golaha dhexe ee ka kala
yimiday gobolada dalka iyo laamaha dibada, waxaanan ku soo
dhawaynayaa shirka golaha dhexe ee afaraad oo maanta inooga furmay
hoteelkan Maansoor ee magaalada Hargaysa.
intaa ka dib Mudanayaal iyo marwooyin garabka dhalinyarada ee xisbigu
waa garabka ugu muhiimsan ama ugu balaadhan ee xisbiga, ilaa maalintii
xisbiga la aas-aasayay ilaa maanta oo uu yahay xisbiga ugu miisaanka
culus xisbiyada siyaasada dalka waxa ay u ahaayeen garab iyo gaashaan,
waxa ay u hureen nafahooda qaar baa loo xidhay, qaar baa loo jidh dilay,
qaar kale xukuno aanay u qalmayn baa xisbiga dartii ugu dhacay. Intaas
oo dhibaato ah marna kama aysan niyad jabin oo qalbigoodu kama bixin in
ay taageero iyo hiilba u ahaadaan xisbiga rajada Shacabka ee WADDANI.
Mudane Musharrax iyo musharrax kuxigeen iyo gudoomiyaha xisbiga aniga
oo ku hadlaya magaca dhalinyarada xisbiga wiilal iyo gabdhaba meel
walba oo ay dalka iyo daafaha caalamka ka joogaan, waxa aanu idin kaga
mahadcelinaynaa in aad u cugateen boosaska ugu muhiimsan xisbiga
dhalinyarada reer Somaliland kuwoogii miida iyo maamuuska lahaa,
waxaana aad ku aaminteen in ay xisbiga ku matalaan madalo aad u
sareeya oo uu ugu dambeeyay shirkii dhalinyarada caalamka oo ka
dhaccay dalka Ruushka oo aan ka qayb galay aniga oo matala xisbiga si
guud iyo si gaar ah dhalinyarada xisbiga iyo Kuwa qarankaba.
Mudane Musharrax waxa aanu kugu taageersanahay habka aad xisbiga u
hogaamiso, iyo dariiqa quruxda badan ee aad dhalinyaro ahaan noo
jeexday, waxaanan ka marakacayaa in aad tahay hogaamiyo hayin ah oo
raba in dalkani horumar ku talaabsado, kuna hagi doono insha Allah marka
uu xilka ku guulaysto, niyadsamaan, cadaaalad, sinaan iyo isku wadka
shacabka qiimaha leh ee reer Somaliland.
Mudanayaal waxa aan halkan idiinkaga bushaaraynayaa in garabka
dhalinyaradu hogaamin doono guusha aynu ka filayno doorashooyinka soo
socda iyo weliba guusha wayn ee aynu rajaynayno in aynu ka gaadhno
doorashada madaxtooyada ee inagu soo food leh.
Guntii iyo gebagabadii waxa aan dhalinyarada reer Somaliland halkan uga
soo jeedinayaa in ay ka mid noqdaan halganka dib u soo celinta
Somaliland la wada leeyahay ee xisbiga WADDANI horkacayo, waxa aan
idinku boorinayaa in aad u diyaar garoowdaan in aynu dalkeena dhisano,
mustaqbalkeena ku hubsano meel aynu kaga hadhsano dhibaatooyinka
aduunyada ka socda iyo weliba isbadalada muuqa dheer ee geeska Afrika
ka hilaacay. Dhalinyarada waxa aan kula dar daarmayaa in aynu u
Midowno sidii aynu dalkeena u badbaadsan lahayn, sidii aynu qabyaalada
ula dagaalami lahayn, sidii aynu ciideena hooyo isbadal dhab ah uga dhalin
lahayn.
Waxa aan ilaahay waydiisanay in uu xisbigeena Guusha siiyo,
Musharrixiinta aynu dhisaynana ka dhigo kuwo shacabka u dhago nugul
sida aynu horeba uga baranay, dalka iyo dadkana horumar la taaban karo
gaadhsiiya.
Guul iyo Gobanimo
Best Regards;


Abdirashid Abdi Jama
WADDANI National Youth Wing
Chairman.

Similar Posts