About us

TAARIIKH-DA

Abdirashid Abdi Jama waxa uu ku dhashay magaalada Boorama maalin isniin ah 27-December 1993. Waxa uu wax ku bartay dalka gudihiisa iyo dibadiisaba.

WAXBARASHADA

Waxa uu shahaada koowaad ee dhaqaalaha iyo siyaasada ka diyaariyay jaamacada Camuud sanadkii 2016, waxa uu shahaadada Dibloomada isla sanadkaa 2016 ka diyaariyay jaamacada Bader Kuliyada Dhaqaalaha Islaamka iyo Baananka.

Waxa uu shahaadada labaad ( Master of Leadership) ka diyaariyay hogaaminta oo uu ka qaatay jaamacada Jigjiga sanadkii 2021, waxa uu hada wadaa shahaadooyinka Master of International relations oo uu ka diyaarinayo Alpha University, iyo Master of English Literature oo uu ka diyaarinayo Jaamacada Islamic University of Minnesota.

Waxa uu kale oo uu aqoon dheeri ah u leeyahay Computerka oo uu shahaadadii u horaysay ka qaatay sanadkii 2005 dugsi lagu baran jiray Computerka. Waxa kale oo uu haystaa shahaadooyin dheeri ah sida:-

  1. Beginner to advanced accounting
  2. Entrepreneurship and Family Business
  3. Foreign policy analysis model
  4. Fiqi Muamalat

SHAQOOYINKA

  1. 2007 waxa uu ka soo shaqeeyay mashruuc horumarinta waxbarashada oo ay waday hay’ada World vision oo ka socday gobolka Awdal. Doorkiisa ayaa ahaa sidii kor loogu qaadi lahaa ardayda waxbaranaysa.
  2. Waxa uu 2012-2015 madax ka soo noqday xog ururinta tirakoobkii ugu horeeyay ee Soomaaliya laga sameeyay wixii ka dambeeyay 1986. Waxa uu maamulayay gobolka Awdal, tirakoobkaas oo ah tirakoobka rasmiga ah ee ilaa hada la isticmaalo. Population estimation survey for Somalia oo ay fulinteeda lahayd hay’ada qaranamada midoobay ee UNFPA.
  3. Waxa uu 2017-2018 uu agaasimaha maamulka iyo lacagka ka soo noqday tvga Bulsho iyo shirkada furinka ee HORMUUD.
  4. Waxa 2018 uu ka howlgalay xafiiska gobolka Awdal ee hay’ada HPA ( Health poverty action) oo uu ka noqday logistics Officer, halkaas oo uu mudo kooban ka howlgalayay.
  5. Waxa 2020 waxa uu shaqo ka bilaabay dalka Djibouti. Waxa uu noqday xisaabiyaha guud ee shirkadaha Siraad Logistics, iyo Capital hotel Djibouti oo uu ku kala yaalay dalalka Djibouti, Ethiopia, UAE, China iyo Turkey.

SIYAASADA

Abdirashid oo ah hogaamiye mustaqbal ifaya leh ayaa hogaaminta ka soo bilaabay markii uu ku jiray dugsigiisa hoose, halkaas oo uu noqday hormuudka arday ee dugsigiisii hoose/dhexe iyo dugsigiisii sareba. Waxa kale oo uu noqday hormuudka ardayda baranaysay kuliyada dhaqaalaha iyo siyaasada ee jaamacada Camuud, halkaas oo markii dambana uu noqday gudoomiye kuxigeenka ururka ardayda jaamacada Camuud.

2019 waxa uu noqday shakhsigii ugu yaraa ee ka qaybgala shirka golaha dhexe oo ka dhacay magaalada Burco, halkaas oo loogu soo cumaamaday in uu noqdo gudoomiyaha garabka dhalinyarada xisbiga WADDANI ee gobolka Awdal.

Mudo kooban oo uu halkaas joogay waxa loo dalacsiiyay gudoomiyaha dhalinyarada heer qaran ee garabka dhalinyarada heer qaran ee xisbiga WADDANI oo ka mid ah boosaska ugu muhiimsan hadaanu ahaynba ka ugu muhiimsan ee xisbiga ka dhex jira. Mudada uu joogo halkaas waxa uu wax la taaban karo ka qabtay difaaca xuquuqda dhalinyarada dalka isaga oo hogaankana u qabtay duufaanta dhalinyarada mucaaradka ah ee ka jirta dalka.

Waxa uu 2021 noqday masuulka tababarka muraaqibiinta doorashadii isku sidkanayd ka shaqaynaysay, waxa kale oo uu hogaaminayay guushii xisbiga waddani ka keenay doorashadii isku sidkanayd ee dalka gaar ahaan gobolka Awdal oo uu si gaar ah ugu suntanaa.

Abdirashid oo ku jira hogaaminta sare ee xisbiga WADDANI waxa uu leeyahay mustaqbal ka dhex ifaya dhalinyarada Soomaalida iyo geeska Afrikaba.

Follow My Social Media